spot_imgspot_imgspot_img

Aqalka Sare oo qaaday tallaabadii ugu horraysay ee wax looga badalaayo Dastuurka KMG ah

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka, ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Siciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, muhiimaddiisa iyo in ay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu danbayn isla qaateen.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka dalka, waxa ayna xildhibaanada wax ka bedel ku sameyn doonaan qaar kamid ah qodobada Dastuurka KMG ku jira.

WARARKA