spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliland oo Magacaabay wasiir cusub xili uu Buuq ka taagan yahay Doorashooyinka.

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaarada gaashaandhiga, kadib markii uu wasiirkii hore ee gaashaandhigu dhawaan is casilay.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada ayuu Madaxweynuhu ku magacaabay wasiirka cusub” Waxaan go’aamiyay in Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi wareegtada.

 

Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliland ayaa dhawaan is casilay, kadib markii uu ku qanci waayay heshiiska is afgarad ee ay yeesheen Soomaaliland iyo Itoobiya.

 

Wasiir Caateeye ayaa sheegay in heshiiska badu uu yahay mid mad madow ka muuqdo, isla markaana isaga iyo deegaankiisuba ay kasoo horjeedaan, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Horyaal TV.

 

dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Waxbarashada Soomaaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale isagoo ku badalay Maxamuud Yuusuf Cilmi.

WARARKA