Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheikh “Wax ka beddelka Dastuurka dood dambe noogama furna”

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa caddeeyay in aysan dood dambe ka furnayn dastuurka Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii ay shalay labada aqal ee baarlamaanku ku meel mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay, wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka in ay dhaqan galayaan marka la gaaro dowladda soo soo socota. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho dastuur rasmi ah.

 

waxa uu intaas raaciyay Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uu soc0nayo illaa laga gaarayo in loo qaado afti dadweyne. Wuxuu sheegay dowladdiisu inay diyaar u tahay in qaddiyadaha taabanaya masiirka dalka ay kala tashanayo cid kaste oo ay qusayso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.

WARARKA