spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Garawe

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Garowe ee caasinadda maamulka Puntland.

Xasan Sheekh garoonka diyaaradaha Garawe waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntlans iyo masuuliyiin kale, waxa uuna halkaasi u tagay ka qeyb galka Xaflada caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay Saciid C/llaahi Deni.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa caleema saarka ka qeyb galaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka baaqsaday sababo la xiriira khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii Federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.

Madax hore iyo wafuud ka kala socda dowladda Kenya, Jabuuti iyo Dowlad deegaanka Soomaalida, xubno ka socda Safiirada dalalka Caalamka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya xaflada caleema saarka.

WARARKA