spot_imgspot_imgspot_img

Biixi oo ka qoomameeyay heshiis ay la galeen Dowladda……..

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qoomameeyay
heshiis ay hore ula galeen dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa wareejinta maamulka hawada.

Hadalka Biixi ayaa imaanaya ka dib markii ay dowladda Soomaaliya u diiday in hawadeeda ay soo galaan diyaarado
ka diiwaan gashan Itoobiya iyo Thailand, kuwaasoo u socday Somaliland.

Biixi ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabisay heshiiskaas iyo heshiisyada kale ee la xiriira qeybsiga deeqaha caalamiga ah iyo deeqaha waxbarasho, isagoo ku andacoonaya in Somaliland ay hesho qayb yar oo ka mid ah wixii loogu baahnaa.

Go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii ka imaanayay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa mid xoojinaya mowqifkeeda ah in Somaliland aysan ahayn dal madaxbannaan.

Mawqifkaasi waxa uu cawaaqib xumo ku keenayaa Itoobiya, oo dagaalkii madax-banaanida Ereteriya ka dib ugu baahatay in Somaliland la heshiiyo si ay u fursad ugu hesho isticmaalka badda cas.

Qoomada Biix iyo go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee 1-dii January ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Sida uu dhigayo heshiiskan, Somaliland waxa ay Itoobiya ka kiraynaysaa deked, si ay saami uga hesho diyaaradda Itoobiya iyo suurtogalnimada in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Biixi waxa uu xusay in Somaliland ay Itoobiya ka kireynayso saldhig milatari, isla markaana ay isticmaali doontoDekedda Berbera ayna noqoneyso waddankii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland.

“Nuxurka heshiisku waa in Itoobiya ay saldhig ciidan ka samaysato Somaliland iyo inay aqoonsato madaxbanaanideenna, waana qodobbada ugu muhiimsan ee dhinacyada kale oo dhan ay iska kaashanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dowladda Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa waxay si adag uga soo horjeeda heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay mid gardaro ah oo meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.

WARARKA