spot_imgspot_imgspot_img

Dibadbaxyo ballaaran oo ka billowday Tanzania

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dibadbaxyadan – oo ah kuwii ugu ballaarnaa ee la oggolaado tan iyo intii Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay xilka la wareegtay – ayaa billowday.

Dadka ka qeyb qaadanaya ayaa waddooyinka ku kaxeynaya mootooyin, halka qaar kalena ay lugeynayaan, lulayaan calamada leh midabka xisbiga mucaaradka ee Chadema.

Saraakiisha booliiska ayaa goobta jooga, iyagoo barbar socda dibadbaxayaasha.

WARARKA