spot_imgspot_imgspot_img

Nigeria: Muran ka dhashay lo’ oo sababay in masaajiddo iyo kaniisado la iska gubo

Arbaco jan-24 2024-{HMC}  Masaajiddo iyo kaniisado ayaa lagu gubay gobolka bartamaha Nigeria ku yaalla ee Plateau kaddib muran ka billowday lo’ oo isu beddelay mid uu dhiig ku daato.

Siddeed qof ayaa ku dhintay isku dhacyadan oo ka dhacay deegaanka Mangu kaddib markii lo’ ay kusoo baxsatay waddo iyagoo xannibay isu socodka gaadiidka.

Barasaabka gobolka ayaa bandow 24 saacadood ah kusoo rogay halkaas si wax looga qabto rabshadda, inkastoo weli la oggol yahay in la aaso dadka dhintay.

Gobolkan bartamaha dalkaas ku yaalla ayaa wuxuu caan ku yahay isku dhacyada qowmiyadaha u dhaxeeya kuwaasoo aalaaba isu beddela kuwo diin iyo isir ku saleysan.

Plateau, dhanka waqooyi waxaa ku badan Muslimiin halka koofurtana ay ku badan yihiin Kirishtaan.

 

WARARKA