spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ayaa waxaa fuliyay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo la sheegay in ciidamada amniga iney dhaawaceen ka hor inta uusan is qarxin.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah islamarkaana uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka ku sugna Isgoyska.

 

warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu baahiyay qoraalkan oo u qornaa sidan”Qof naftii Halige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ciidanka ammaanka ku joojiyeen inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax. Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kaligiis ku haligmay qarixii ku xirnaa Ciidanka ammaanka oo dareemay dhaqdhaaqa Sharwadaha ayaa ka hor inta uusan Qarxin”.

 

Xaalada ay ah hada mid degan oo uu dib u soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Isgoyska Cali Kamiin oo mudo kooban hakad ku jiray.

WARARKA