spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo loogu soo dhaweeyay Garawe

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Goliyaasha Dowladda Puntland iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Garoowe ayaa Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey kuso dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe.

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ee Magaalada Garoowe soo gaaray ayaa ah ka qeybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni.

 

WARARKA