spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ruushka oo markale Soomaaliya ku wareejiyay Qamadi gaaraya 25,000 oo tan

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Dowladda Federaalka Ruushka ayaa markale Dowladda Soomaaliya waxa ay ku wareejisay 25,000 oo tan oo Qamadi ah, gargaarkaan ayaa qayb ka ah taakulada Moscow ay u qorshaysay in ay siiso dhiggeeda Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo wakiil ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gargaarkaan ka yimid Ruushka.

Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Ruushka oo garab istaag muuqda u muujisay Soomaaliya si looga baxo xaaladaha adag ay wajahayaan Dad badan oo la dhibaataysan xaaladihii ka dhashay abaaraha, Daadadka & Fatahaadda Webiyada.

Waa sii hadlay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle waxaana uu carrabka ku dhuftay in keliya Xukuumadda Moscow aanay Soomaaliya ka garabsiin doonin arrimaha bani aadamnimada balse ay kaalinteeda ka qaadan doonto dhinacyada Horumarinta.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed SODMA ayaa horay u qaybisay gargaarkii ka yimid Dalal Ruushka uu kamid yahay, Hay’addu waxa ay ballanqaadday in Gargaarkaan u qaybin doonto Dadka u baahan.

{DAAWO SAW

WARARKA