spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaanada Labada Aqal oo meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka.

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hrageysa waxa ay ku meel mariyeen wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay.

Kulanka xildhibaanada labada Aqal goordhaw yeesheen oo bannaanka looga saaray saxaafada ayaa lagu meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka oo si weyn ugu ololeeneysay madaxtooyada Soomaaliya.

Wax ka bedelka Dastuurka lagu sameenayay waxaa ogol ugu codeeyay 180 xildhibaan, halka ay diideen wax ka bedelka Dastuurka KMG 30-xildhibaan , waxa uuna sidaasi ku noqday mid ku ansaxay wax ka bedelka Dastuurka .

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaana si weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka xilligan lagu sameenayay Dastuurka, lamana oga xiisada siyaasadeed uu abuuri doono go’aankan ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen waxka bedelka Dastuurka.

WARARKA