spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay go’aanka madaxwayne Xasan sheikh haddii ay dagaal isku rogto xiisadda badda

Talaado -23 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay Al-Carabiya iyo Al-xadath ayaa sheegay in dowladdiisa aysan hadda qorshaha ugu jirin dagaal ay la gasho Itoobiya, balse waxa uu hoosta ka xariiqay haddii ay wax isbeddalayaan inay ka fal-celineyso, si jawaab loo bixiyo.

“Ma lihin wax qorshe ah ama ujeeddo ah inaan dagaal la galno Itoobiya waqtigan xaadirka ah, laakiin haddii ay wax isbedelaan, waa inaan ka falcelinaa markaas,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in heshiiskii is-afgaradka ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale wax laga weydiiyay booqashadiisii dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in aaney isaga iyo Al-Sisi ka wada-hadlin waxa ku saabsan arrimo milatari ama in ciidamo Masaari ah xilligan la joogo la keeno gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dowladdiisa ay xooga saartay sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna hoosta ka xariiqay heshiiska badda uu fursad siinayo kooxda, si ay dagaalkeeda usii laba jibaarto iyada oo ka faa’iideysaneyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysanaya is-afgaradkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, si ay ugusoo jiitaan dhallinyarada uguna biiraan xagjiriinta, iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya in gaalo kusoo duushay dhulka” ayaa mar kale wareysiga ku yiri madaxweyne Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo heshiiska badda ee ay kowdii bishaan la gashay maamulka Somaliland.

WARARKA