spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaano Ka so horjeedo in wax ka badal lagu bedelo Dastuurka Dalka oo Muqdisho Ku shiray.

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa oo ka soo horjeeda wax ka bedelka larabo in lagu sameeyo Dastuurka Dalka ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan Muqdisho ku shiray ayaa isla gartay in wax kabedelka Dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole , laakiin uusan xilligan meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xildhibaanada maanta ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in beri la damacsan yahay qaab gacantaag oo qardojeex ah lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka, taa oo abuuri karta xiisad.

”Qorshaha la damacsan yahay in maalinka beri ah gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan dastuurka iyo sarraynta sharciga, islamarkaana kala qaybinaysaa ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxda Qaranka halkii laga sugayay in ay la yimaadaan istaraatiijiyad iyo abaabul Qaran oo dalka looga difaaco cadawga Itoobiya in ay ka doorbideen in ay abuuraan xiisad siyaasadeed oo kala dhantaalada wadajirka umadda.

 

Hoggaanka qaranka halkii laga sugayey istiraatiijiyad, qorshe iyo abaabul qaran oo dalka looga difaaco damaca Itoobiya, ayey ka door bideen xiisad kicin iyo xasarad abuur siyaasadeed oo kala dhantaalaya muruqa, midnimada iyo wadajirka ummada.

 

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku marag gelinaynaa in madaxda qaranka ee fulinta iyo guddoonka labada gole qaadayaan masuuliyadda wixii ka yimaada ficillada lagu qaybinayo ummada Soomaaliyeed xiligii ay midnimo ugu baahi badnayd” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame.

 

Shirkan xasaasiga ah ay maanta yeesheen xildhibaanadan katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli beri oo Arbaco ah lagu wado in xildhibaanada labada gole meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka ayna hirgaliyaan damaca Madaxtooyada .

 

WARARKA