spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kulanka wada-sahqeynta Booliiska iyo Bulshada oo lagu so geba-gebeeyay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiran

Maxaas-29-Dec-2023 {HMC} Waxaa si rasmi ah degmada Maxaas loogu soo gebe-gebeeyay Kulanka wada-tashiga hey’adaha amniga iyo Booliiska oo ka socday halkaasi muddo shan maalin ah kaaasi oo ay iska kaashanayeen wasaaradda Amniga HirShabelle iyo Hey’adda IOM Kulanka inta uu socday waxaa si weyn looga hadlay caqabadaha ka jiro xiriirka Booliiska iyo Bulshada , Guddiyada Amniga , Kaalinta shacabka ee ka shaqeynta Nabad galyada iyo sidoo kale in kalsoonida shacabka ee Booliisku sare loo qaado .

Masuuliyiinta wasaaradda Amniga ayaa sheegay inay ka go’antahay in aad la’isagu tolo Dadweynaha iyo hey’adaha Amniga waxaana ay u mahadceiyeen Hey’adda IOM iyo sido kale dadka reer Maxaas oo kaalion fiican ka qaatay Barnaamijkani kalsooni dhisidda .

Bulshada ka qeyb-galeysay kulanka ayaa aad u soo dhoweysay Barnaamijkani iyaga oo dalbaday in la joogteyo kulannada noocdaan ah Maamulka degmada maxas aya u ballan qaaday Bulshada inay ka shaqeyn doonan nabad gelyada iyo hannaan daah-furan oo ay ku wada shaqeeyan hey’adaha Amniga iyo Booliiska iyaga oo kaashanayo Wasaaradda Amniga HirShabelle .

Kulankani ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo noociisa lagu qabto degmada Maxaas ee Gobolka Hiiran.

WARARKA