spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka iyo Ingiriiska oo Weeraro culus ku qaaday Xuutiyiin yemen

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa wali wada weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan xarumo iyo saldhig ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen.

Weeraradan oo shalay dhacay ayaa lagu beegsaday goobo ay Xuutiyiinta ku keydsadaan hubka gaar ahaan gantaalaha, waxaa sidoo kale la weeraray xarumo kale ee kooxdaasi ku leeyihiin deegaannada ay maamulaan.

Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka ay ka fuliyeen gudaha Yemen ku bartilmaameedsaday saldhigyo dhulka hoostooda kuyaalla oo inta badan Xuutiyiinta ku keydsadaan gantaalada ay weerardaa u adeegsadaan.

Weeraradan Mareykanka iyo Ingiriiska ku beegsanayaan Xuutiyiinta ayaa jawaab u ah weeraro kooxdan xiriirka la leh Iran ku beegsad=to maraakiibta shisheeye gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Israa’iil ee mara badda cas.

WARARKA