spot_imgspot_imgspot_img

Dad badan oo aano qabiil xalay loogu dilay Duleedka Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Kooxo maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay deegaanka Faragow oo hoostaga magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxa ay ku dileen afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeysan oo ka yimid deegaanno hoostaga Ceelgaras ayaa la sheegay in hal goob ku dileen afarta nin oo deegaan ahaan kasoo jeeda beesha degta Dhuusomareeb.

Kooxdii dilka geesatay ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen, waxaana dilkan la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo u dhaxeeya labada beel ee kala degta Dhuusomareeb iyo Ceelgaras.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay gaaray deegaanka uu ka dhacay dilka xalay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidda dilka ka dambeysay iyo sababta rasniga ah ee ka dambeysa.

Gobolka Galgaduud deegaanno hoostaga waxaa ka dhacay muddooyinkii lasoo dhaafay dilal salka ku haya aanooyin qabiil, taa oo dhibaato badan ku noqotay sidii looga hortagi lahaa loona xalin lahaa maamulka Galmudug ee xaruntiisa tahay Dhuusomareeb.

WARARKA