spot_imgspot_imgspot_img

Xubno ka tirsan AS oo lagu dilay Howlgal dhanka Cirka ah

Monday-22-jan-2024-{HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay Jubbada Hoose.

Warbaahinta dolwadda Soomaaliya ayaa lagu Baahiyay sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaan 45KM dhanka Waqooyi beri ka beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab oo isku aruursanaayay goobta ciidamadu beegsadeen.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka Shacabka ah howlgalkaan lagu bartilmaameedsaday xubnaha Shabaab ka tirsan ee ka dhacay Jubbada Hoose.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku howlan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

WARARKA