spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka socda Xadka Hiiraan iyo Sh.Dhaxe

Isniin, January, 22, 2024 (HMC) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu haatan ka socdo xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhawac leh oo kala gaaray labada Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyay sadax ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalka oo ka socda deegaanka Iji oo ku yaala xadka labada gobol, kaasoo labada maleeshiyo ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa salka ku haaya muran ka dhashay dhul beered halkaasi ku yaala oo u dhaxeeya labada beelood oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo haatan socda ku dhawaad hal saac oo xiriir ah inuu sii xoogeysanayo, islamarkaana gurmadyo kala gaarayaan labada dhinac.

Lasoco wixii kusoo kordha Hiiraanweyn wararkan.

WARARKA