spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Iran oo ku hanjabay in jawaab dag deg ay ka bixin doonaan Weerar Isra’il geesatay

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa si adag uga hadlay weerar dhinaca cirka ah oo Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Syria, weerarkaasi waxaa lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada kacaanka Iran iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Syria

 

Ebrahim Raisi ayaa sheegay in Israa’il masuul ka tahay weerarkan oo lagu dilay shan sargaal oo katirsanaa ciidamada kacaanka Iran, waxa uuna tacsi u diray ehelada saraakiishan weerarka lagu dilay

 

Waxa uu ku hanjabay madaxweynaha Iran in jawaab adag ka bixin doonaan weerarkan lagu dilay saraakiishooda una aargudi doonaan, waxa uuna weerarkan ku tilmaamay mid fuleynimo iyo daan daansi ah

 

Israa’iil ayaa marar badan gudaha dalka Syria ka fulisay weeraro badan oo lagu dilay saraakiil iyo ciidamo katirsan kacaanka Iran iyo kuwa Syria, mana jiraan jawaabo adag ay arrintan horey uga bixisay Iran.

WARARKA