spot_imgspot_imgspot_img

Duqa Magaalada Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Nasri Warsame oo kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed

Axad jan-21 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Nasri Warsame oo kamid

ah qurba joogta Soomaaliyeed islamarkaana ah ah musharax dhawaan u tartamay Guddoomiyaha Degmada 10-aad Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareekanka hadana ah

musharax u taagan Senator-ka Gobolka Minnesota ee dalka Mareekanka, iyada uu Kulankan goob joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Abdifatah Jama Warsame {JK}.
Mudane Nasri Warsame ayaa ugu mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale soo dhaweynta uu xafiiskiisa ugu sameayay iyo sida uu had iyo jeer u dhiiragaliyo

dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay kasoo muuqdaan miisaaska Siyaasada lagu go’aamiyo, isaga intaa kadib kawarbixiyay doorashadii uu dhawaan kaga qeyb galay Dalka

Mareekanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa bogaadiyay sida fir-fircoonida leh oo ay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha kunool uga soo muuqdaan fagaaraha siyaasada waddamada ay kunool yihiin.

WARARKA