spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyna Xasan Sheekh iyo Al-siisi oo Qaahira kuwada kulmay

Axad-21-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada dalka Masar, ka dib markii uu casuumaad ka

helay Madaxweyanah dalkaas Cabdulfataax Al-siisi.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, Madaxweynaha

JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Qasriga Al-Itixaadiyah ee looga arrimiyo dalka aan walaalaha nahay ee Masar ayaa kulan la qaadanaya

Madaxweynaha dalkaas Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey

dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas January 19, 2024-ka.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo

mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

WARARKA