spot_imgspot_imgspot_img

Tartanka Ciyaaraha Maamula Oo Maanta Dib Uga Bilaabanayo Magalada Muqdisho

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ciyaar la wada sugayo ayaa la filayaa in galabta garoonka ciyaarraha ee Muqdisho Istaadyam ku dhexmarto kooxaha kubadda cagta ee Banaadir iyo Jubaland.

Ciyaartan oo ah kulan ka tirsan tartanka maamul gobolleedyada ayaa tii badisa waxay u gudbi doontaa afar dhammaadka ciyaarraha.

Tartanka ayaa muddadii u socday xiiso badan dhaliyay iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay u soo daawasho tageen, waxaase jira rabshado mararka qaar dhacay kuwaas oo boolisku sheegeen in dad loo xirxiray.

Kooxda kubadda cagta ee Koonfur Galbeed ayaa tartanka isaga baxday, iyadoo kulan u harsan yahay kaddib markii ay sheegeen in la weerarray markii ay dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen Galmudug.

Dadaallo la doonayay in dib kooxda Koonfur Galbeed ciyaarraha loogu soo celiyo ayaa guuldareystay, taasina waxay keentay in kooxda Hirshabeele la siiyo dhibcaha kulankii u harsanaa Koonfur Galbeed.

 

WARARKA