spot_imgspot_imgspot_img

Weerar lagu qaaday Saldhig ciidanka Marekanka ku leeyihiin Ciraaq oo waxyeello kasoo gaartay asakar badan

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Weerar duqayn ah ayaa lagu beegsaday Saldhig Ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin Galbeedka Dalka Ciraaq waxaana kasoo gaaray dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhow oo ka xog-warramay dhacdadaan

 

Duqaynta markii ay ku socotay ciidamada Maraykanka waxaa la maqlayay qayo-dhaan ka yeeraysay agagaarka xerada & askarta oo u kala cararaysa goobaha ay u arkaan in ay gabbaad u noqon karaan sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo si dhow ula socday arrintaan

 

Taliska Dhexe ee Militariga Maraykanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay ka dambeeyeen weerarkaas balse dhankooda ay bixin doonaan jawaab ka dhan ah Kooxahaas waa sida hadalka loo dhigay

 

Xubno badan oo qaarkood ah saraakiil katirsan ciidamada Maraykanka ee jooga Galbeedka Ciraaq ayaa lagu wadaa baaris caafimaad oo dhanka Maskaxda ah kaddib markii saamayn taban ku reebeen duqaymaha is-daba-joogga ah

 

Ciraaqiyiintu waxa ay Ameerikaanka ku cadaadinayaan in uu isaga baxo ciiddooda waana tan keentay in tallaabadaas duqaymaha ah loo arko in ay ku cadaadinayaan si Washington ay ciidamadeeda kala baxdo Ciraaq.

WARARKA