spot_imgspot_imgspot_img

Jordan oo arrin halis ah ku eedeysay milateriga Israel ee dagaalka ka wada Marinka Gaza

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Milateriga Urdun ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay si ula kac ah u beegsadeen Isbitaalka ay ku leeyihiin Qaza, iyagoo sheegay in taangiyada Israa’iil ay duqeeyeen isbitaalka oo ay gabbaad ka dhiganayeen shaqaalaha iyo dad rayid ah

 

Ciidamada Israa’iil ayaa beeniyey sheegashadaas, iyagoo sheegay in aanay duqaymo ku garaacin cusbitaalka Urdun iyagoo xusay in Isbitaalku wax dhibaato ah aysan soo gaarin uuna si buuxda u shaqaynayo siina wado inuu daryeel caafimaad siiyo dadka u baahan

 

Ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa bayaan ay soo saareen ku yidhi: “Falkani ma ahayn mid ka dhashay iska horimaad ay la galeen kooxaha wax iska caabinta, waa mid si ula kac ah loo bartilmaameedsaday Isbitaalka Beerta ee Urdun kaasoo qeyb ka ah talaabooyinka Israel ay u beegsaneyso isbitaallada Gaza.

 

Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay ka mid tahay rasaas toos ah oo loo adeegsaday Taangiyo iyo gaadiid, waxaana hal taangi uu xiray albaabka isbitaalka

 

Waxay sheegtay in hal sarkaal oo u dhashay Urdun iyo hal qof oo oo lagu daweynayay ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasoo sidoo kale “khasaare la taaban karo u geystay sida lagu sheegay war saxaafadeedka Urdun

 

Ciidamada Urdun ayaa soo bandhigay muuqaal ay sheegeen in uu muujinayo burbur soo gaaray isbitaalka kadib weeraradii ka dhacay deegaanka Arbacadii. Muuqaalka ayaa muujinaya wax u eg qolof ama godadka rasaasta ee gidaarada isbitaalka, iyo sidoo kale burbur soo gaaray saqafka

 

Israel waxay qiratay in xubin ka mid ah shaqaalaha caafimaadka la dhaawacay, laakiin waxay sheegtay in meesha ay ka dhacday rasaastu aan la go’aamin.”

WARARKA