spot_imgspot_imgspot_img

DF oo ogolaatay inay Hargeysa ka degto diyaarad marka Hore laga celiye Hawada soomaaliya

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku diiwan gashan lambarka P4-JAG lagana leeyahay dalka Thailand, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, taas oo khamiistii laga celiyay hawada Soomaaliya ayaa shalay ka soo degtay magaalada Hargeysa

 

Shalay subax, marka ay saacaddu ahayd 7:06 xilliga Soomaaliya, ayay diyaaradaasi ka soo degtay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay mujineyso xog ku daabacan bogga tixraaca dhaqdhaqaaqa duulimaadka ee caalamiga ah

 

Diyaaradaan ayay horay u sheegtay hay’addu in ay diiday bixinta xogta badeecada ay waddo

 

Sida ay muujinayaan dukumiintiyo aan aragnay, ogolaanshaha in diyaaradaan soo gasho hawada Soomaaliya ayaa waxaa siiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaan, diyaaradda ayaa la siiyay ogolaanshaha kadib markii ay soo gudbisay xogaha ku saabsan badeecadda ay wadd

 

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in diyaaradaan ay waday badeecooyin isugu jira waxyaalo electronic ah oo ah kuwa sida maalin laha ah loo isticmaalo, cuntooyin laga sameeyo caanaha iyo sidoo kale qalabka baabuurta

 

Muddo shan maalin ah ayuu socday wadahadal horay iyo gadaal isku dhaafayay oo ku saabsan in diyaaraddu cadeyso waxa ay waddo,” ayay noo sheegeen ilahaan

 

Ugu dambeyntii, afartii galabnimo xilliga Soomaaliya ee Jimcihi, ayay diyaaraddu go’aansatay in ay soo gudbiso faahfaahinta badeecada ay wado, ayay sheegaysaa xogta aan ka helnay ilaha ka tirsan hay’adda duulista. Waxaana loo diray ruqsada soo dagista xalay tobankii fiidnimo

 

Duulimaadkaan oo isaga kala gooshayay garoomada diyaaradaha ee Sharjaha iyo Hargeysa ayaa horay waxaa u hakiyay Hay’adda Dullista Rayidka ee Soomaaliya

 

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo {cargo}, waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka, ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaas inay soo gasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya

 

Dhamaan diyaaradaha soo gelaya hawada Soomaaliya ayaa laga hubiyaa waxyaabaha ay sidaan iyo dokumentiyadooda la xiriira safarka sida ay noo sheegtay hay’addu

 

Diyaarada ayaa horay u isticmaali jirtay hawada Soomaaliya, iyada oo keeni jirtay xamuul ay u soo dejisay si bedqa

 

Celinta diyaaraddan ayaa kusoo beegantahay iyadoo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay maalinnimadii talaadada hawada ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, noceeduna yahay Dash 8-Q400, kuna duuleysay lambarka duulimaad ee ET8372, taas oo ku socotay Hargeysa kanasoo duushay magaalada Addis Ababa, hay’adda ayaa sheegtay in diyaaraddu aysan heysan wax fasax ah oo ay kusoo gashay hawada Soomaaliya

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo caddeeyay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya

 

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Dowladda Itoobiya ay heshiis is afgarad la gashay Somaliland arrintaas oo Soomaaliya ka careysiisay

 

Soomaaliya ayaa dooneysa in dowladda Itoobiya ay heshiiskan dib uga laabato, iyada oo Addis Ababa ay ku madax adeygtay go’aankeeda

 

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee 1 dii January ay kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay Somaliland ka kirayso qayb kamid ah xeebaha Somaliland, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay kiro ku dooneyso si ay uga sameyso saldhig ciidan iyo Deked

 

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa si kulul uga carooday Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la bilowday Masar iyo Eritrea oo ah laba dal oo daneynaya in la xakameeyo damaca Itoobiya ee gobolka.

WARARKA