spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} In kabadan 13 Caruur ah oo ku Geeriyooday dab ka kacay qol ay jiifeen

Sabti-20-jan-2024-{HMC} Saddex iyo toban caruur ah oo da’doodu kala tahay 9 iyo 10 jir ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii uu dab ka kacay guri ay seexdaan iskuul ku yaala bartamaha Shiinaha, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Xinhua.

Dabka khasaaraha badan dhaliyay ayaa habeenimadii Sabtida ka dhacay iskuulka Yingcai ee tuulada Yanshanpu ee gobolka Henan.

Maamulaha Iskuulka oo ku dhow magaalada Nanyang ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan.

Hal qof oo kale ayaa lagu daweynayaa isbitaalka oo xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Macalin wax ka dhiga iskuulka ayaa u sheegay warbaahinta Hebei Daily – oo ay maamusho dowlada – in dhamaan caruurta dhmatay ay isku fasal ahaayeen.

Ku dhawaad 30 arday ayaa ku sugnaa qolka jiifka markii uu dabku qabsaday, iyadoo ardaydii hartayna si nabad ah looga saaray. Dabka ayaa la damiyay wax ka yar hal saac kadib markii shaqaalaha dab damiska lagu wargaliyay, sida ay sheegtay Xinhua.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo cidda ay yihiin dadka dhintay iyo waxa sababay dabkan oo si rasmi ah loo baahiyay.

WARARKA