spot_imgspot_imgspot_img

Laba markab oo ay Leeydahay Dowladda Ingiriiska oo isku dhacay.

Sabti-20-jan-2024-{HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa socda ka dib markii ay isku dhaceen labo markab oo dagaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska xilli ay marayeen deked ku taalla Baxreyn, sida ay sheegeen ciidamada badda ee boqortooyada.

Muuqaalka sida weyn loogu wadaagay baraha bulshada ayaa u muuqday in uu muujinayo markabka HMS Chiddingfold oo gadaal ugusoo baxaya markabka kale ee HMS Bangor meel ka baxsan xeebta dekedda.

Ma jirto cid wax ku noqotay shilkan sida ay wasaaradda gaashaandhiggu sheegtay, iyada oo ka gaabsatay in ay ka hadasho qaabka uu shilkani u dhacay inta ay baaritaannada socdaan.

Labada markab ayaa qeyb ka ah joogitaanka Ingiriiska ee mudada dheer ee Khaliijka.

Labada markabba waa nooca miinada ka baara badaha, kuwaas oo ka caawinaya hubinta socodka nabdoon ee ganacsiga dhex mara biyaha, ayay yiraahdeen Ciidanka Badda Boqortooyadu.

 

WARARKA