spot_imgspot_imgspot_img

Aqoonyahan heesta shahaadada Sare haddana waddooyinka Khudaar ku iibiya

Sabti jan-20 2024-{HMC} Wax-barashada ayuu ka gaaray heerka tacliinta sare. Wuxuu heystaa afar jeer oo darajada Master-ka ah iyo hal PhD ah. Sidaas oo ay tahay haddana, wuxuu iibiyaa qudaarta si uu nolosha qoyskiisa ugu dabaro. Dr. Sandeep Singh, oo 39 jir ah, wuxuu 11 sano ka shaqeynayay jaamacadda Punjabi University qeybteeda Patiala. Laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu isaga tago shaqadiisa oo uu doorbido iibinta khudaarta si uu lacag uga helo

 

Dhawaan wuxuu si weyn u qabsaday hadalheynta dalkiisa. Waxayna sheekadiisu soo jiidatay bahda jecel wax-barashada oo dhan

 

Isaga oo la hadlayay muddaalaha Times wuxuu yiri: “Waan ku qasbanaaday inaan shaqadayda isaga tago sababta oo ah xilliga mushaharka wuu iga soo daahi jiray – mararka qaarna waxaa la igu sameyn jiray mushahar dhimis. Taas ayaana igu kaliftay inaan kusoo biro ka ganacsiga khudaarta si aan – aniga iyo qoyskaygaba – ugu samata-baxno

 

Qeybta sharciga ayuu Sandeep ka dhigi jiray jaamacadda. Wuxuu kala bartay culuumta afafka, warbaahinta, siayasadda iyo wixii soo raaca. Wuxuuna ahaa mid sii joogteeya wax-barashadiisa oo aan intaas ku ekeyn

 

Hadda wuxuu macmiishiisa khudaarta ugu geeya guryaha maalin walba isaga oo sita boor ay ku qoran tahay – PhD Sabsi Wala’. Wuxuu sheegayaa in lacag ka badan middii uu ka qaadan jiray jaamacadda uu ka helo iibinta khudaarta. Marka uu shaqadiisa maalmeed soo dhammeysto, wuxuu sii wataa wax-barashadiisa

 

Dr. Sandeep Singh wuxuu si buuxda u joojiyay shaqadiisa macalinnimada, laakiin kama quusan oo ma joojin inuu yoolashiisa waaweyn ka salgaaro. Wuxuu ku taamayaa inuu maalin un furto machad isaga u gaar ah oo uu dadka wax ugu dhigo

 

WARARKA