spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar lana kulmaya dhiggiisa dalkaas Abdi fitaah siisi

Sabti jan-20 2024-{HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-siisi

 

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu dadaal xoogan ku bixinayay sidii uu uga hortegi lahaa dhaqangalka heshiiskii Badda ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixday

 

  

WARARKA