spot_imgspot_imgspot_img

Garyaqaan Soomaali Caan ah oo laga mamnuucay Maxkamadda sare ee Kenya

Jimco jan-19 2024-{HMC} Garyaqaan Soomaaliyeed oo caan ka ah Wadanka Kenya ayaa laga mamnuucay maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaddib markii lagu eedeeyay garyaqaankan in uu maxkamadda ka sheegay waxyaabo aan jirin.

 

Axmed Naasir Cabdullaahi oo ah qareen Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Kenya ayaa wajahaya culees kaga yimid maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxaana qareenkan laga mamnuucay howlihiisa qareennimo.

 

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay in Axmednaasir maxkamadda sare marar badan u jeediyay eedeymo culus, waxa ayna xuseen in eedeymaha uu jeediyay uusan u keenin caddeymo lagu qanci karo.

 

Qareenkan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wado olole ka dhan ah 7-da garsoore ee mudada dheer ka shaqeynayay maxkamadda sare ee Kenya, kuwaas oo uu ku eedeyay falal musuq-maasuq ah.

 

Qoraal uu soo saaray Qareen Axmednaasir ayuu ku sheegay in muddo 30 sano ah oo uu ku howlanaa shaqada garsoorannimada, isla markaana ay tahay markii labaad ay maxkamadda sare qaadeyso tallaabada looga mamnuucayo maxkamadda.

 

Qareenkan oo muddo 30-sanno ah kusoo dhax jiray howlaha qareennimada ayaa sheegay in uu yahay qofkii ugu horeeyay ee laga mamnuuco maxkamadad sare, waxa uuna xusay in aysan jirin qof kale oo loo beegsaday sida isaga loo beegsanayo.

WARARKA