spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Mooto ku wareejiyay Muwaadin horay codsi ugu diray.

Jimco jan-19 2024-{HMC} Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaabilay muwaadin Maxamed Mahdi Muuse (Kuusoow), oo dhawwaan codsi u diray madaxweynaha Hirshabelle.

 

Maxamed Mahdi oo ah nin xoogsade danyar ah ayaa dhawwaan, kasoo muuqday baraha bulshada ku xiriirto, isagoo fariin codsi ah oo ku aadan in uu garab ku siiyo mooto uu ku shaqeysto.

 

Madaxweyne Guudlaawe oo ka jawaabayay codsiga muwaadinkaan reer Hirshabelle ah ayaa ku wareejiyay mootadii uu codsaday si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa, waxa uuna ninkan la caawiyay ka mahdceliyay taageerada madaxweynaha siiyay.

 

Baraha bulshada ayuuna hadal heyn ka abuuray mootada uu madaxweynaha Hirshabelle maanta siiyay nin ka codsaday, waxa ayna dadka qaar sheegeen in Cali Guudlaawe sameeyay wax-qabadkii ugu fiicnaa intii uu madaxweynaha ka ahaa Hirshabelle.

 

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa inta badan looga baran la kulanka iyo caawinta dadka danta yar, waxa uuna maanta caawinta uu u sameeyay ninkan danta yar ahaa ku helay ammaan iyo boggaadin.

WARARKA