spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka Jeediyay Shirka NAM ayaa Si adag Uga Hadlay Xad gudubka Itoobiya

Jimco jan-19 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

WARARKA