spot_imgspot_imgspot_img

Doorashada Comoros: Internetka oo go’ay kadib mudaaharaadyo halka ka bilawday

Jimco jan-19 2024-{HMC}  Maamulka dalka Comoros ayaa jaray isticmaalka internet-ka kadib dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u doorashada madaxweyne Azali Assoumani.

Hal qof ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen iyada oo booliisku ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan taageerayaasha mucaaradka ee cadhaysan ee ku sugan caasimadda Moroni.

Wadooyin dhowr ah oo ku yaalla caasimadda ayaa la gooyay, waxaana la xiray tiro aan la cayimin oo dibadbaxayaal ah.

WARARKA