spot_imgspot_imgspot_img

Nin 50 sano oo xabsi ah lagu xukumay boqor uu aflagaadeeyay awgeed

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Nin u dhashay dalka Thailand ayaa lagu xukumay konton sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay boqortooyada. Waxaa loo malaynayaa inuu yahay xukunkii ugu dheeraa ee abid lagu xukumo qofka sidan oo kale sameeyay. Mongkol Thirakot, oo u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda, ayaa la xukumay ka dib markii uu faallooyin soo dhigay Facebook.

Markii hore waxaa lagu xukumay siddeed iyo labaatan sano, laakiin maxkamadda sare ayaa kordhisay muddada xabsiga ka dib markii lagu daray eedeymo kale oo loo haysaty.

Boqolaal qof ayaa lagu dacweeyay gudaha Thailand dhowrkii sano ee ugu dambeeyay iyadoo la raacayo sharciyo adag oo ka hortagaya dhaleeceynta Boqor Maha Vajiralongkorn.

 

WARARKA