spot_imgspot_imgspot_img

Mucaaradka DR Congo oo dibadbaxyo ku baaqay maalinta caleema saarka

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa ku baaqay dibad-bax dalka oo dhan ka dhacay Sabtida, markaas oo lagu wado in madaxweyne Félix Tshisekedi xilka madaxtinimada loo dhaariyo mar labaad.

Baaqa banaanbaxa Sabtidii dhacay ayaa waxaa si wada jir ah shir jaraa’id oo online ah ku qabtay Moïse Katumbi, oo sida ku cad natiijada rasmiga ah, kaalinta labaad galay isgoo helay tirada 18% guud ahaan codadka la dhiibtay, Martin Fayulu, oo kaalinta saddexaad galay 5% iyo Anzuluni Bembe, oo helay 1% .

Waxa ay ku eedeeyeen in doorashadaasi ay ka dhacday wax isdaba marin. Maxkamadda dastuuriga ah ay ansixisay guusha Mr Tshisekedi.

WARARKA