spot_imgspot_imgspot_img

Nin Ajnabi ah oo gabadh ku jarjaray Kenya

Khamiis jan-18 2024-{HMC}  Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay nin ajnabi ah oo loo haysto dilka arday Kenyan ah oo 20 jir ah.

Waxaa la xiray Talaadadii xilli uu isku dayay in uu Kenya kaga baxo baasaboorka Mozambique, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Meydka Rita Waeni oo la jarjaray ayaa Axadii la soo dhaafay laga helay guri muddo gaaban kiro loogu jiray oo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Qoyskeeda ayaa hadda sheegay in ay aaminsan yihiin, “waxaa dhakray gacan ku dhiigleheedii, kaas oo sidoo kale isku dayay in uu lacag baad ah ka qaato qoyskeeda, xitaa ka dib markii uu dilay”.

Gacan-ku-dhiiglaha ayaa subaxnimadii Axadda soo diray saddex farriin oo ka timid taleefoonka gabadha, isadoo ka dalbanaya qoyskeeda in ay ku bixiyaan lacag madax-furasho ah oo dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah ($3,100); 24 saac gudahood si loo sii daayo, qoyskeeda ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday sidaas.

WARARKA