spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Turkiga oo markii 14aad laga sugayo in uu sanad u kordhiso Ciidanka Dalkaas ka jooga Biyaha Soomaaliya.

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Waxaa sii dhammaanaya muddo sharciyeedka sanadka ah ee Ciidamada Ilaalida Xeebaha Turkiga eek u sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya & Badda Cas oo ku siman 10ka Bisha soo socota Febaraayo ee sanadka 2024

 

Baarlamaanka Turkiga ayay Ciidamadaan ka sugayaan muddo kordhin sanad ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha Dalkaas oo arrintaan ka xog-warrantay

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baarlamaanka u gudbiyay mooshinka waqti kordhinta waxaana lagu wadaa in Fadhi gaar ah uu ka yeesho si loogu codeeyo soo jeedinta Madaxweynaha ee waqtiga dheeraad ah la siinayo ciidamada Badda

 

Haddii Baarlamaanka Turkiga uu Ansixiyo soo jeedintaan waxa ay ka dhigaysaa in markii 14aad oo muddo kordhin ah uu u sameeyay ciidamadaan ku sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas

 

Sanadkaan waxa ay ciidamada Turkiga uga duwan tahay iyada oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Badda Cas gaar ahaan weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil & Maraykanka oo dagaal la galay Kooxdaas.

WARARKA