spot_imgspot_imgspot_img

In ka badan 200 qof oo macluul ugu dhintey Dalka Ethiopia.

Talaado jan-16 2024-{HMC} laa 225 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa macaluul ugu dhintay gobolka Tigray ee ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen lixdii bilood ee la soo dhaafey, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Ku dhowaad dhimashada ilaa- 209 qof ayaa laga diiwaan geliyay miyiga Edga Arbi, sida TV maxalli ah uu ka soo xigtay saraakiisha caafimaadka.

Deegaan kale, 16 qof, oo ku barakacay dagaalkii sokeeye ee sida arxan darrada ah halkaas uga socday muddo laba sanno ah, ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo u dhinteen.

Saraakiisha Tigreega ayaa horay uga digay inay dhacdo ama qarka loo saran yahay macaluul la mid ah tii Itoobiya ku habsatey bartamihii 80-meeyadii, xilligaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo carruur iyo dad waaweyn intaba.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan cunto gargaar ah gudaha Itoobiya sababo la xiriira colaadaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ethiopia ayaa u muuqata mid iska indha tiraysa wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi baaxadda leh ee daakhiliga ah, waxaana dhowaan ay si ka baxsan xeerarka caalamiga ah u faragelisay madaxbanaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo ay aad uga dhiidhiyeen shacabka iyo dowladda Somalia intaba.

WARARKA