spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho.

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Booliska oo soo saaray Qoraal kooban ayaa waxaa ay sheegeen in Qaraxasi ay ku dhinteen 3 ruux, halka Tiro intaa ka baddanna ay ku dhaawacmeen.

“Qof naftii haliga ahaa ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada AlHindi oo ku taala degmada Xamarweyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska.

Ugu dembayn warka qoraalka ayaa lagu sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan dhawaana la bixin doono faah faahin dhammeystiran.

WARARKA