spot_imgspot_imgspot_img

Qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir.

Talaado jan-16 2024-{HMC}   Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa aad loo maqlay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay wadada marta dhabarka dambe ee xarumaha waaweyn ee ka soo horjeeda degmada Xamarweyne.
Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa inuu jirto waxyeelo badan.

 

Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.
Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe

WARARKA