spot_imgspot_imgspot_img

Shir kale oo deg deg ah oo loogana hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la qabanayo

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Xiisad siyaasadeed oo meel xun gaartay ayaa soo kala dhax gashay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya heshiis sharci-darro ahna la galay Somaliland

 

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku dhawaaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya la qabanayo, shirkan oo qaab fogaan arag ah ku qabsoomaya ayaa waxaa hoggaamineysa dowladda Morocco

 

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaasi qaban doono 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA

 

Hossam Zaki, ayaa sheegay in shirkan diirada lagu saari doono xiisada ka dhalatay xad-gudubka dowladda Itoobiya , waxa uuna xusay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya la gashay Somaliland.

 

Shirkan deg deg ah ay yeelanayaan ururka Jaamacadda Carabta ayaa imaanaya kaddib codsi Soomaaliya ka yimid, waxaa sidoo kale iyana la filayaa in magaalada Kampala iyana ka furmo shir ay yeelanayaan madaxda IGAD oo iyana xiisadan looga hadlayo.

WARARKA