spot_imgspot_imgspot_img

Kooxda Xamaas oo soo bandhigtay Video muujinaya saddex la heyste oo Israel u dhashay

Isniin jan-15 2024-{HMC}  Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya saddex qof oo Israa’iili ah oo la haysto oo la haysto

Cajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Argamani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svirsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo magaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa

Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbiriqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaqiijin karo goorta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku wargelin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibraani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaashadda dhammaadka muuqaallada.

Dowlada Israel ayaan ka hadlin muuqaalkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqanka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto “dagaal nafsi ah.”

Muuqaalkan ayaa la sii daayay maalintii 100-aad ee dagaalka, taasoo ah mid si weyn looga xusay guud ahaan Israa’iil. Xamaas iyo kooxo kale ayaa Qaza ku qafaashay 240 qof intii lagu jiray weeraradii 7-dii Oktoobar. In ka badan 100 la haystayaal ah oo u kala dhashay Israa’iil iyo ajaanib ayaa lagu sii daayay xabbad joojin dabayaaqadii bishii November, iyadoo lagu bedeshay falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil

Israa’iil ayaa aaminsan in 132 weli lagu haysto Gaza. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in 25 ka mid ah la haystayaashaasi ay dhinteen, iyadoo weli meydadkooda lagu hayo Gaza. Taasoo ka dhigan in 107 oo la haystayaal ah inay wali nool yihiin.

Cajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Argamani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svirsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo magaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa

Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbiriqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaqiijin karo goorta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku wargelin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibraani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaashadda dhammaadka muuqaallada.

Dowlada Israel ayaan ka hadlin muuqaalkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqanka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto “dagaal nafsi ah.

WARARKA