spot_imgspot_imgspot_img

Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Isniin jan-15 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

Xamse Barre iyo safiirka dowladda Imaaraadka ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isul Wasaaraha kala hadlay safiirka Imaaraadka Carabta xiisada ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taa oo ka dhalatay xad-gudb ay ku kacday Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmahan waday kulamada uu la qaadanayo wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kaga raadinayay garab istaag iyo taageero in ay siiyaan Soomaaliya oo la dulminayo.

WARARKA