spot_imgspot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub Talyaaniga

Axad jan-14 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Piem Mario Dacco’ Coppi.

Xamse Barre iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Talyaaniga oo horey usoo gumeestay Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga Soomaaliya ka fuliyeen mashaariic kala duwan ay ku jiraan kuwa horumarineed.

WARARKA