spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Axad jan-14 2024-{HMC} Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in soo dhaweynta madaxweynaha iyo wagdigiisa ay ka socoto garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb, halkaasoo ay buux dhaafiyeen shacab iyo madax kala duwan.

Amniga guud ee magaakada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka qaar, iyadoo ciidamadda Koofi Casta madaxtooyada ay ilaala ka hayaan magaalada.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu halkaasi dib uga bilaabo gulufka dagaal ee ku foorara kooxda Al-Shabaab, qorshaha ayaa ah in kooxda laga xoreeyo deegaanada ah ka joogaan Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxweynaha Galmudug iyo taliyayaasha ciidamadda, iyadoo laga wada hadli doono qorshaha dagaal ee Shabaab oo deegaano yar kaga sugan Galmudug.

WARARKA