spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo baaraya weerarkii lagu qaaday Gaarigii ay la socdeen Xulka DG Koofur Galbeed.

Sabti jan-13 2024-{HMC} Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay baaris ku wadaan weerarkii lagu qaaday baska ay saarnaayeen ciyaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Sulub ayaa sheegay in ay gacan-adag ku qabanayaan cid weliba oo ku lug yeelata rabshadahaas oo dhaawac ku ah amniga caasimadda, wixii natiijo kasoo baxa ayuu tilmaamay in Firin in Booliisku uu dib kasoo gudbin doonno.

Dhagax-tuurka ciyaartoyda ayuu sheegay in aanay la garanayn sababta ka dambeysa maadaama ciyaartu soo idlaatay, kiiskaan ayuu shaaciyay in aan laga hari doonnin halka uu fariin u diray taageerayaasha garoonka Cayaaraha Muqdisho tagaya.

“Waxaa la dhagax-tuuray Ciyaartoy, Waxaa la jajabiyay Baabuurtii, Ciyaartoydii ayaa la dhaawacay sabab aan la aqoon, baaris baa la samaynayaa, ciidanka Booliiska shaqadooda way qabsanayaan si loo baaro, guud ahaan dhalinyarada taageerayaasha ah waxa aan rabnaa in ay u hoggaansamaan sugidda Amniga oo ilaaliyaan muuqaalka Caasimadda” Gen. Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliiska Soomaaliya.

Qaar kamid ah Ciyaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarkaas waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho, waxaa muddo 3 cisho ah dib loo dhigay tartanka socday.

WARARKA