spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo mowqif culus ka soo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Sabti jan-13 2024-{HMC} Maraykanka ayaa mar kale adkeeyay in si aanan ka leex-leexad lahayn uu u taageersanyahay Madax-anaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inay soo dhowaynayso Shirka Madaxda IGAD ee 18-ka Bishaan lagu dhawaaqay inuu ka dhacayo dalka Uganda.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa iclaamiyeyshir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaas waxaa 18-ka bishaan lagu qabanayaa dalka Uganda, wuxuuna daba socdaa baaqii Soomaaliya ay u dirtay wadamada ku midoobey IGAD.

Soomaaliya ayaa horay u codsatay in IGAD la isugu yeero shir deg deg ah, si looga hadlo xadgudubka Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda caalamiga.

Mareykanka oo horay u cadeeyey mowqifkiisa ayaa hadana taageeray qabsoomida shirkaan xasaasi ah ee Soomaaliya ay codsatay in madaxda IGAD ay isugu yimaadaan.

Hadalka Mareykanka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hanjabay in hadii Itoobiya ay dhanka dagaalka u qaado hal tallaabo ay Soomaalidu qaadi doonto afar talaabo, waana hadalkii ugu adkaa ee dadka Soomaaliyeed ay ka maqleen Xasan Sheekh oo ka hadlaya xiisadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu maanta Soomaalida ku booriyey inay is diyaariyaan cadowgana ka difaacdaan dalkooda, isagoo caalamka marqaati uga dhigay damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

WARARKA