spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shir lagu dardar galinayo nabadgalyada Maamulka DDS oo Lagu qabtay Magaalada Jigjiga.

Jimco jan-12 2024-{HMC} Shirkan oo ay kasoo qayb galeen ciidanka iyo saraakiisha ka hawlgala 20ka xaafadood ee magaalada jigjiga ee Caasimada Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaaliya ayaa ka qabsoomay xarunta komoshinka booliska.

Kulanka oo muhiim u ahaa Nabadgalyada Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa komishineer ku xigeenka komishinka booliska R/komishineer Cali C/jabaar iyo saraakiisha waaxda danbi ka hortaga booliska ee Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Taliye ku xigeenka Booliska oo shirka furay ayaa ka war bixiyay amniga guud ee deegaanka ugana mahad celiyay shaqooyinkii wanaagsanaa ee ciidanku qabtay sidookalena ciidanka kula dardaarmay inay halkaa kasii wadaan, si lahaansho iyo wadaniyadi ku dheehantahayna ay uga shaqeeyaan howlaha amniga xasiloonida deegaanka.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada ka hawlgala magaalada jigjiga ayaa sheegay inay dardargalinayaan hawlgalayada lagu sugayo amniga awaamiirta lafarayna ay siday tahay u fulindoonaan.

WARARKA