spot_imgspot_imgspot_img

Papua New Guinea :Ugu yaraan 15 qof oo dhintay kadib rabshado waaweyn iyo bililiqo ka dhacday halkaas

Khamiis jan-11 2024-{HMC} Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay caasimadda Papua New Guinea kadib markii ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen rabshado.

Ra’iisul Wasaare James Marape ayaa sheegay in Inka badan 1,000 askari ayaa heegan u ah “si ay u galaan meel kasta oo lagama maarmaan ah”.

Dukaamo iyo baabuur ayaa la gubay waxaana la bililiqeystay dukaamada waaweyn ka dib markii booliska ay sameeyeen shaqo joojin Arbacadii ka dib mushaar dhimis ay maamulku ku sheegeen in ay khalad ahayd.

Rabshadaha ayaa daba socda xiisado ballaaran oo ka jira dalka Jaziiradda Baasifigga ee ku saabsan kor u kaca qiimaha iyo shaqo la’aanta sare.

 

WARARKA