spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shiinaha oo ka so horjeestay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Khamiis -Jan-11-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao.

Safiirka ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

WARARKA